Sarkaal ka tirsan Nabadsugidda oo sheegay in la aqoonsaday ninkii qorsheeyay qarixii diyaaradda Daallo
Mas'uuliyiinta ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay aqoonsadeen qof ay rumaysan yihiin inuu qorsheeyay weerarka bambada ee lagu damacsanaa in lagu soo rido diyaaraddii Daallo todobaadkii la soo dhaafay, sarkaal sare oo ka tirsan hay'adda sirdoonka soomaaliya oo codsaday inaan la xusin magaciisa ayaa u sheegay VOA-da in hay'adaha ammaanka ay garteen tuhmane la aaminsan yahay inuu isagu qorsheeyey weerarka lagu qaaday diyaaradda daallo, kaas oo sidoo kale lala xiriiriyay ugu yaraan weerar kale oo horey loo geystay sida uu sheegay sarkaalkaasi.
Sarkaalka sirdoonka ka tirsan ayaa sheegay in ninka la tuhunsan yahay oo 40 jir ah uu ganacsi mobaylada, muraayadaha indhaha iyo dhar ku haysan jiray caasimadda, kaas oo uu isticmaali jiray mid uu ku dabooli jiray howlgalladiisa qarsoonaa.
"Xabsi kuma jiro, wuu baxsaday, waxaa na loo sheegay in markii ugu dambeysay lagu arkay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose todobaadkii la soo dhaafay," ayuu yiri sarkaalkaasi ka tirsan sirdoonk dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale Muuqaallo CCTV ah oo ay soo bandhigtay dowladda Soomaaliya ayaa muujinaya Boorleh, oo dhutinaya, oo laabtoob kala wareegaya labo nin, la sheegay inay katirsanaayeen shaqaalaha Garoonka,inkastoo aan si rasmi ah loo caddeynin.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Xf72x2
via IFTTT
No comments:
Post a Comment