Sunday, February 7, 2016

Maxkamadda sare ee dalka oo go’aamisay in Cumar Faaruuq uu yahay xoghayaha guud ee NUSOJ

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa go'aan ka soo saartay muran ku saabsan cidda ah hoggaanka sare ee sharciga ah ee ururka suxufiyiinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ waxayna maxkamaddu go'aamisay in xoghayaha guud ee ururkaasi uu yahay Cumar Faaruuq Cismaan, go'aanka Maxkamadda Sare ee dalka kadib ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan ay yeesheen qeybaha Warbaahinta Soomaaliyeed ee lagu soo dhaweynayo warka ka soo baxay Maxkamadda Sare.
Xoghayaha Guud Cumar Faaruuq Cismaan ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay go'aanka Maxkamdda isagoo tilmaamay in ay Maxkamadda sare u gudbiyeen dacwad ka dhan wasaarado ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo uu sheegay in ay gadaal ka riixayaan shaqsiyaad aan matalin Ururka qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Cumar Faaruuq ayaa dhinaca kale beeniyay warar uu ku tilmaamay kuwa dacaayad ah oo uu sheegay in laga fidiyo hoggaanka NUSOJ oo ku aadan in ay ka soo horjeedaan dowladda Federaalka, isagoo daboolka ka qaaday in aysan jirin wax ku xambaaraya in dowladda ummadda Soomaaliyeed ay mucaaradaan.
Dhinaciisa Guddoomiyaha Shabakadda Warbaahinta Shabeelle C/maalik Yuusuf Max'ud oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Warbaahinta ee ka qeyb galay kulankaas ayaa soo dhaweeyay tallaabada Maxkamadda Sare ee go'aanka uga soo saartay hoggaanka NUSOJ isagoo tibaaxay in NUSOJ ay leeyihiin Saxafiyiinta Soomaaliyeed islamarkaana ay u doodo xuquuqdooda.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1La4n0I
via IFTTT

No comments:

Post a Comment