Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cusmaan {Jawaari} oo magaalada Qaahira ee dalka Masar uga qeyb galay shirka madaxda Baarlamaannada Waddamada Carabta ayaa kulan la qaatay shalay dhiggiisa dalka Kuwait, kulanka ayey labada guddoomiye uga wadahadleen xiriir, iskaashi iyo wada-shaqeyneed oo dhexmarta baarlamaanada Soomaaliya iyo Kuwait kaas oo ay sheegeen inuu muhiim u yahay shacabka labada dal.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Kuwait, Marzouq Ali Alghanim ayaa bogaadiyay Guulo uu sheegay inuu ku Tallaabsaday Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Shuruucdii u dambeysay ee uu baarlamaanka Soomaaliya Ansixiyey; sida Sharciga Maal-gashiga shisheeye iyo ka hor taga lacag dhaqida, wuxuuna xusay in diyaar uu u yahay abuurista iskaashi iyo wada shaqeyn ay yeeshaan labada Baarlamaan.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhankiisa Tilmaamay inuu diyaar u yahay in Wada-shaqeyn iyo iskaashi dhex-maro labada baarlamaan, isagoo sidoo kale uga mahad-celiyay dhiggiisa sida uu u bogaadiyay howlaha uu dadka Soomaaliyeed u hayo baarlamaanka Soomaaliya.
Dhanka kale, Guddoomiyeyaasha labada dal ee soomaaliya iyo kuwait ayaa Qalinka ku Duugay heshiis wada-shaqeyn iyo wax-wada-qabsi ah oo labada dhinac dhexmara iyadoo Jawaari uu ka guddoomay dhiggiisa Kuwait Casuumaad gaar ah oo uu u fidiyay, taas oo uu ku booqanayo dalka Kuwait, inkastoo aan la shaacin waqtiga ay dhaceyso booqashadaasi.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1n3qLTu
via IFTTT
No comments:
Post a Comment