Wasiirka amniga maamulka Koonfur galbeedka ayaa dowladda Somaliya ku eedeeyay inay ka mas'uul tagay xaaladda jahwareerka ah ah ee ka taagan magaalada Marka, tan iyo markii ay Al-shabaab la wareegtay Jimcihii, inkastoo hadda lagala wareegay markale.
C/fataax Maxamed Ibraahim (Geesey) ayaa sheegay in tallaabada Al-shabaab ay kula wareegtay magaalada Marka, wuxuuna xusay in arrinkaasi ay ka dhalatay siyaasad xumo uu ku eedeeyay madaxtooyada Somaaliya, wasiirka ayaa sidoo kale muujiyey in dowladdu ay xaalad cakiran ku daawaneyso magaalada Marka, bedelkii loo baahnaa inay mowqif adag ka qaadato, sidii magaaladaasi loogu soo celin lahaa gacanta maamulka dowladnimo.
Wasiirka oo la hadlay VOA ayaa shegay in tiro yar oo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab ay la wareegeen magaalada Marka, isla markaana aysan laheyn awood badan oo ay isaga difaacaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, haddana loo ogolaaday inay Marka si dhib yar kula wareegaan sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Geesey ayaa tilmaamay in golaha wasiirada maamulka Koonfur galbeed shir degdeg ah ay ka yeesheen qabsashada Al-shabaab ee Marka, inkastoo sida uu sheegay uu maamulkoodu yahay mid curdun ah oo aan awood buuran u laheyn inuu Al-shabaab jihooyin badan kula dagaalamo.
Geesey, ayaa carab dhabay in dowladda Somaliya looga baahan yahay siyaasad cad oo ay ka qaadato gobolka Shabeelaha hoose, maadaaba buu yiri uu socod barad yahay maamulka Koonfur galbeed, wuxuuna hadalka Geeseeyay uu imaanayaa iyadoo Al- shabaab ay si sahlan kula waregtay gacan ku heynta magaalada Marka.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Xf74Fp
via IFTTT
No comments:
Post a Comment