Wargeyska Maalinlaha ee Daily Blic ee ka soo baxa caasimadda dalka Serbia ee Belgrade ayaa lagu soo daabacay Wareysi ay la yeesheen Duuliyihii Diyaaradda Daallo Airlines ee doraad uu qaraxa ka dhacay xilli ay ka duushay Garoonka Diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, kuna sii jeeday dalka Jabuuti.
Duuliyaha oo lagu magacaabo Vladimir Vodpopivec ayaa sheegay inuu u maleynayo inuu qarax ahaa wixii doraad ka dhacay gudaha Diyaaradda uu Duuliyaha ka ahaa ee Daallo Airlines, ee Flight Number-keedu ahaa D3159,inkastoo aanu hubin dhab ahaan waxa dhacay waxa ay ahaayeen,wuxuuna intaasi ku daray inuusan wax burbur ah soo gaarin halka laga hago duullimaadka diyaaradda.
"Nasiib wanaag, Halka laga kontoroolo Duullimaadka ma burburin, waxaana awooday inaan soo laabto, kuna dego Garoonka" ayuu yiri Duuliye Vladamir Vodopivec, oo intaasi ku daray inuu ku faraxsan yahay in arrintaasi ay markii dambe ku dhamaatay si wanaagsan.
Duuliye Vladamir Vodopivec oo u dhashay dalka Serbia waxa uu Wareysiga uu siiyey Wargeyka Maalinlaha ee Daily Blic ku sheegay inuusan marnaba la kulmi dhacdadii shalay oo kale muddadii uu ku soo dhex jiray Xirfadda Duuliyenimo.
Dhinaca kale Hay'adaha Ammaanka ee Dowladda Federalka iyo Khubaro Caalami ah ayaa la sheegay inay ku guda jiraan Baaritaanka waxa uu ahaa Qaraxii shalay ka dhacay Diyaaradda Daallo Airlines kaas oo aan ilaa hadda la ogeyn waxa uu ahaa,waxaan sida la sheegay su,aalo la weydiiyey dad kala duwan kuwaas oo aan la ogeyn waxa ay yihiin
, Diyaaradaasi oo ay la socdeen 74 qof Rakaab ah oo ku sii jeeday dalka Jabuuti, ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhaawacantay 2 qof,iyadoo sidoo kale la sheegay in qof rakaabka diyaaraddaasi kamid ahaa uu dhintay islamarkaasna uu diyaradda ka dhacay kaas oo sida la sheegay meydkiisa laga helay aggagarka degmada Balcad
Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxy dhinaca dowladda soomaaliya oo laga sugayo inay baaritaanka kadib soo bandhigto sababta keentay qaraxa ka dhexdhacay gudaha diyaaraddaas kaas oo aan ilaa hadda la ogeyn waxa uu ahaa.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1o8oyXU
via IFTTT
No comments:
Post a Comment