Saturday, February 27, 2016

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in si qalad ah loo tarjumay wareysi uu bixiyey oo ku aadanaa ciidamadii Kenya ee lagu laayey Ceelcadde

War saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in warbaahinta ay si qalad ah u tarjumeen wareysi uu siiyay madaxweyne Xasan Sheekh talefishinka Somali Cable kaasoo uu ugaga hadlayay arrimaha weerarkii ka dhacay Ceel Cadde bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan.
"Tirada madaxweynaha ee 180-200 ee uu wareysiga ku sheegay ulama jeedin tirada saxda ah ee ugaga dhimatay ciidamada dalka Kenya weerarkii Ceel Cadde, balse Madaxweynaha waxa uu tilmaamayay xajmiga cutubka iyo askarta laga yaabay inay xilligaas kusugneyd saldhigga ciidamada."ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo luqada Englishka ku qornaa.
Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Wareysiga uu siiyay Tvga Soomaliyeed uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku difaacayay go'aankiisa ahaa inuu shacabka Kenya kala qeybqaato baroordiiqdii ay u sameynayeen geesiyaashii ugaga dhintey Ceel Cadde, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa hogaamiyaal u tegey dalka Kenya aaskii loo sameeyay askartii ugaga dhimatay ciidamada Kenya weerarkii ay Alshabaab kuqaadeen saldhig ay ku lahaayeen gobolka Gedo.
War saxaafadeedka ka soo baxay xaafiiska madaxweynaha ayaa lagu soo gunaanaday hadal ah"Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go'an in ay ku taageeraan dowladda Kenya howlahooda nabad ilaalineed ee ay u joogaan dalka Soomaaliya iyagoo ka mid ah ciidamada AMISOM,waxana aan la qeybsanaynaa xanuunkii iyo khasaarihii ka dhashay weerarkii ay Al-shabaab ku soo qaadeen Ceel Cadde".
Dhawaan ayaa shabakadaha caalamka waxa ay qoreen in wareysi uu siiyay taleefishin afka Soomaaliga ku hadla Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sheegay in tirada ciidamada Kenya ugaga dhintey weerarkii Ceel Cadde ay u dhexeyso 180-200 oo askari.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QPsfyK
via IFTTT

No comments:

Post a Comment