Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa nasiib darro ku tilmaamay la wareegidii Al-Shabaab ee magaalada Marka, isagoo cadeeyay in Marka aan saddex sano ka hor lagu qaban si fudud.
C/qaadir Siidii oo la hadlayey Idaacada BBC-da ayaa sheegay in magaalada Marka ay tahay magaalo istiraatiiji ah, isla markaana ay dib u dhac ku tahay inay gacanta dowladda Soomaaliya ka bado, waxa uu sheegay in Marka oo xarun u ah Shabeellaha Hoose uu gobolkaas yahay gobolada ugu kheyraadka badan dalka , isagoo xusay in markii Al-Shabaab laga saarayay sanadkii 2012 dhib badan laga soo maray sida uu yiri, wuxuuna intaasi ku daray in eeda ka bixitaanka Marka aanay kaliya aheyn AMISOM.
C/qaadir siidii waxa uu tilmaamay in sidoo kale xaaladaha gobolka ku soo kordhay ay qeyb ka tahay is bedelada lagu sameeyay maamulka Gobolka, isagoo xusay in maamulka gobolka Shabeelaha hoose uu horay u hoostagi jiray dowladda Federaalka, hase ahaatee haatan uu hoos tago Maamulka Koofur galbeed.
Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM haatan ku sugan yihiin meel ku dhow Ceel-jaalle, ayna macquul tahay inay dib ugu laabtaan Marka sida uu yiri, ciidamada dowladda ayaa la sheegay in markii hore ka soo baxeen Marka, isla markaana ciidamada AMISOM iyana markii dambe ka soo baxeen.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Szaq74
via IFTTT
No comments:
Post a Comment