Monday, February 8, 2016

Ammaanka Garoowe oo la adkeeyay iyo wafdi ka socda beesha caalamka oo maanta tagaya halkaasi

Ciidamada Amniga Puntland ayaa sare u qaaday xaaladda amniga ee magaalada Garoowe,iyadoo dheeraad ah dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah ee magaalada kadib markii la sheegay inay maanta halkaasi tagayaan wafdi ka socda beesha caalamka kuwaas oo la sheegay inuu hoggaaminayo wakiilka qaramada midoobay ee soomaaliya danjire Micheal Keatng ,kuwaas oo halkaasi u tagaya sida la sheegay Latashi ku aadan Hanaanka doorashada Soomaaliya iyo inay madaxda maamulka puntland kala hadlaan sidii uu u aqbali lahaa go,aankii ka soo baxay shirka madasha ee magaalada Muqdisho.
Wafuudaani heerka caalami ah ee uu hogaaminayo wakiilka xoghayah guud ee Qaramada Midoobey uqaabilsan xafiiska taageerada Soomaaliya ayaa waxay sidoo kale kulamo laqaadan doonaan,Ururada Bulshada rayidka ah, Isimada haweenka iyo qabaha kala duwan ee bulshada Puntland.
Cabdiraxmaan Abshir Faarax Taliyaha ciidamada Booliska ee gobalka Nugaal ayaa sheegay in ammaanka garoowe uu yahay mid sugan, isla markaasna ay heegan mar kasta ku jiraan ciidamada nabadgalyaddu si ay uga hortagaan wax kasta oow ax u dhimaya nabadgalyada, haddana ay sii adkeynayaan sida uu yiri, taliyaha ayaa sheegay in dadweynaha looga baahan yahay la shaqeynta ciidamada nabadgalyadda, isagoo intaasi ku daray in ay la dagaalamayaan cid kasta oo isku deyda in ay khal-khalgaliso amaanka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Xf71cw
via IFTTT

No comments:

Post a Comment