Friday, February 12, 2016

Kulan looga hadlay doorka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan looga hadlayey doorka jaamacadda carabta ee soomaaliya ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo Soomaaliyana ay qeyb ka tahay waxaana ka qeyb galayay kulankaasi Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano,wakiilo ka socday ururka Jaamacadda Carabta, iyo marti sharaf kale.
Kulanka oo la isku dhaafsaday fikrado kale duwan ayaa waxaa diirada lagu saaray iskaashiga wadamada jaamacadda carabta, iyo dar dar galinta doorka jaamacadda carabta ee la xiriira horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya oo mudooyinkii u dambeeyay ku tilaabsaneysay horumaro kale duwan oo dhinaca dowladnimada ah.
Kulankaasi ayaa markii uu soo gabagaboobay kadib waxaa warbaahinta la hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye oo ka warbixiyay shirkaasi, waxuuna ugu horeyn sheegay in aad loo gorfeeyay doorka jaamacada carabta ee Soomaaliya, iyo sida loogu baahanyahay in ururkaasi uu garab istaago dalka soomaaliya, isla markaasna ay jaamacadda carabtu qaadato doorkeedii gaar ahaan arrimaha soomaaliya ,iyadoo xoogga la saarayo horumarinta iyo taageerada ay soomaaliya ka hesho Jaamacadda Carabta.
Todobaadkan ayaa waxaa soomaaliya soo gaaray wafdi ballaaran oo ka socda jamaacadda carabta kuwaas oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda dowladda soomaaliya oo ay kala hadleen arrimo kala duwan oo ay ugu horeyso in kor loo qaado doorka ay jaacadda carabtu ka qaadaneyso arrimaha soomaaliya gaar ahaan taarada baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R0Rv1z
via IFTTT

No comments:

Post a Comment