Friday, February 19, 2016

Baarlamaanka Soomaaliya oo go’aamiyey qodobada laga bedelayo dastuurka in afti looga qaado gobolada dalka

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa go'aan ku gaaray in dhamman qodobada la doonayo wax in laga badelo ee ku qoran dastuurka shacabku inay ka aragti dhiibtan oo la geeyo gobollada dalka, xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ka hadlay go'aanka uu soo gudbiyey guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay inay doonayaan in lagu baahiyo dalka oo dhan dhameystirka dastuurka qabyada ah ee dalka.
"Waxaan dooneynaa oo waajib ah dhammaan ummadda Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan dhameystirka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, waxaana ku baahin doona gobolada dalka" ayuu yiri xoghayaha guud ee baarlamaanka oo warbaahinta gudaha la hadlay.
Mr. Buux waxaa kale oo uu sheegay magaalada Muqdisho inuu ka dhacayo shir ay ka qayb-galayaan xubno ka socda bulshada Soomaaliyeed si ay uga doodan qodobada laga badalayo dastuurka oo qorshuhu yahay in qabyadda laga saaro, magaalada Muqdisho waa xilligan ka sugan guddoomiyayaasha baarlamaanka maamulada dalka iyo xildhibaano, waxaase aan ka qayb galeyn Puntland oo ka baaqatay shirarka lugu doonayo in looga doodo qodobada laga badalayo dastuurka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1otSSMs
via IFTTT

No comments:

Post a Comment