Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka digay in Al-shabaab ay qorsheynayaan inay isku ekeysiiyaan askarta Midowga Afrika, si ay u fuliyaan weeraro sida ay yiraadeen, AMISOM waxa ay sheegtay inay heyso xog muujineysa in dagaalyahanada Al-Shabaab ay damacsan yihiin inay soo xirtaan dareyska ciidamada Midowga Afrika, ayna dilal ka geystaan qeybo ka mid ah Soomaliya oo ay maamulaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaliya.
AMISOM ayaa warbixin kooban oo ay soo dhigtay boggooda Twitter-ka waxaa lagu xusay inay AMISOM ay warar hoose ku heshay qorshayaal ay Al-shabaab ku doonayaan weeraro ay ku geysato qaybo dalka ka mid ah, iyagoo AMISOM isku ekeysiinaya ciidamadooda.
Sidoo kale warbixinta AMISOM ayaa lagu xusay in Xoogagga Al-shabaab ay doonayaan in weeraradaasi ay ku geystaan direyska Ciidamada iyo agabkii kale ee ay ka qaateen saldhigyo ka tirsran kuwa AMISOM oo ay weerareen, qoraalka AMISOM ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in Al-shabaab ay doonayaan inay wax-yeello Xooggan ugu geysato weeraradooda shacabka Soomaaliyeed, isla markaana iska horkeenaan iyaga iyo shacabka waa sida warka lagu yiriye.
Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay dhowr mar Weerareen Saldhigyo kala duwan oo ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Gobollada Dalka Qaarkood , kuwaas oo uu ka mid ahaa Saldhiggii Ceel-cadde oo la Weeraray bishii Janaayo ee lasoo dhaafay.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1POPkz5
via IFTTT
No comments:
Post a Comment