Tuesday, February 16, 2016

Wafdi ka socda Turkiga oo Hargeysa gaaray madaxda Somaliland u soo jeediyay in 5-tii Soomaaliya miiska la keeno….

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay Weftii ka socday Dalka Turkiga oo dhawaan tagay magaalada hargeysa kuwaas oo la sheegay inay halkaasi u tageen sidii dib loogu soo nooleynlahaa wadahadaladii hakadka galay ee u dhaxeeyey dowladda soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaanu sheegay in dalka Turkigu aanu dhexdhexaad ka noqon karin wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo wareysi siiyey Wargeyska Geeska Afrika ee ka soo baxa magaalada hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in Wafdi ka socda dalka Turkiga ee yimid hargeysa ay u socdaan arimihii wada hadaladii labada dhinac iyo sidii dib loogu soo nooleynlahaa, waxaanse leeyahay markii hore Turkigu gogol fididin ayey lahaayeen, laakiin waxa muuqata hadda inay doonayaan inay hadda ku lug yeeshaan wada hadalada dhexdhexaadna ma noqonkaraan waayo marka hore Turkigu waxa ay is hayeen Kurdiska ku kacsan kuwaas oo hadda qayladoodu taagan tahay, waayo Turkigu ma rabaan in Kurdisku ka go' dalka turkiga , sidaad la socotaan dhulkii Kurdistaan waxa kala goostay dhowr dal, oo qeyb waxaa la raaciyey Iran, qeyb kalena waxaa la raaciyey Ciraaq, qaybta 3-aad waxaa la raaciyey dalka Suuriya, halka qeybta 4-aad la raaciyey Turkiga, waana sidii 5-tii soomaaliyeed looqeybiyey oo kale, markaas anigu ma qabo inuu Turkigu inoo soo sido nasteexo xaggeena ah, oo isagii ayaa dhaawacan oo Kurdisku doonayaan inay ka go'aan".
Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey Shanta Soomaaliyeed wuxuu yiri "Soomaaliya waxaa loo qeybiyey shan qaybood oo kala ah Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti, Kililka Shanaad iyo NFD, xidigtii shanta ahayd labadii isugu yimid waa kuwan kala noqday, waxaana ku talinay saddexdii kale ha loo yeero oo ha fadhiyaan miiska wada hadalada, inaga un maxa la inoo haystaa saddexdii kalena wey tageene, waayo qaar Kenya ayey hoosjoogaan, qaarna Itoobiya, Jabuutina iskeed ayey isku taagtay, markaa waxaana leeyahay wadahadalada Kenya ha timaado, Itoobiya ha timaado Jabuutina ha timaado,laba daraf oo kale oo Adduunkuna ha yimaadaan, oo sidaas ha lagu bilaabo wada hadalada ayaan oran lahaa, oo ama shantii qaybood ee Soomaalida ha la isku keeno ama haddii ay Saddex tageen in Labada kale la isku qasbo maaha" ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Sxbxnw
via IFTTT

No comments:

Post a Comment