Monday, February 1, 2016

Maamulka Jubbaland oo beeniyay in wax duqeyn ah loo geystay deegaano ku yala gobolka Gedo

Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horaysay beeniyay duqaynta diyaaradaha ciidamada Kenya ee gobolka Gedo, taas oo lagu laayey dad shacab ah sida ay horay warbaahinta ugu xaqiijiyeen maamulka iyo waxgarad kasoo jeeda Gedo gaar ahaan nawaaxiga deegaanka Ceelcadde.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur "Janan" oo lahadlay VOA ayaa tilmaamay inaysan jirin duqaymo dad lagu laayay oo diyaaradaha ciidamada Kenya ka gaysteen gobolka,wuxuuna ku dooday in dadka deegaankaasi ay carareen dagaallo aysanna jirin sida uu yiri wax duqeyn ah oo ay ciidamada Kenya ka geysteen gobolka Gedo.
Hadalka wasiirka ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland, ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan Xildhibaano katirsan Barlamanka ee kasoo jeeda Gedo iyo shacabka gudaha ku dhaqan sheegeen in duqaymo ay gaysanayaan diyaarado laga leeyahay dalka Kenya, waxayna shaaciyeen in lagu laayay dad u badan xoolo dhaqato, iyagoo cadeeyay dhimashada ay gaartay ilaa todoba ruux sidoo kalena ay xoolo badan laayeen diyaaradaha Kenya ee duqeynta ka geystay halkaasi.
Duqayntan, ayaa ka dhalatay kadib markii ciidamo katirsan AMISOM kana socda dalka Kenya, ay Al-Shabaab ku weerareen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde, waxaana lagu dilay kudhawaan boqol askari, balse weli tirada rasmiga ah ma sheegeen xukuumadda fadhigeedu yahay Nairobi, weerarkaas kadib laamaha ammaanka dalkaas ayaa wacad ku mareen inay ka aar-goosan doonaan Al-Shabaab, iyagoo xilligaa kadib bilaabay weeraro cirka ah oo lala eeganayo deegaanada u dhow saldhigoodii la weeraray halkaasi oo dad rayid ahi ay khasaarooyin kala duwani ka soo gaareen.
Sidoo kale hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo doraad ay dowladda soomaaliya ku dhawaaqday in guddi baaritaan ku soo sameeya duqeymaha Kenya dhawaan loo dirayo gobolka gedo sidaana waxaa warbahinta u sheegay ra,iisulwasaaraha soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharmaarke, waxaana wafdigaasi hogaamin doono wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1o0VC4h
via IFTTT

No comments:

Post a Comment