Tuesday, February 16, 2016

Israsaaseyn iyo dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faahfaahino dheeri ah oo ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa shalay xaafada Ceel-qalow ee degmada Wajir waxay ku dileen nin la sheegay inuu watay gaari, kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, goob joogayaal ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen nin gaari watay oo marayey laamiga Ceel-qalow, waxaana rasaastaasi ku dhintay ruuxii gaariga watay oo warar soo baxaya sheegayaan inuu ahaa darawal u shaqeeya hay'adaha Turkiga.
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilku ka dhacay, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan wax natiijo ah ka soo bixin, waxaana goobta ka baxsaday kooxihii dilka geystay.
Dhinaca kale isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay ka dhacay is rasaaseyn dhexmartay ciidamo ka wada ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kala shakiyey, is rasaaseynta ay ciidamada dhaafsadeen waxaa ka dhashay khasaaro dhaawacyo sadax qof ah.
Gaari tikniko ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan milatariga ayaa rasaas ku riday gaari kale oo runeyd ah oo uu la socday mas'uul ka tirsan dowladda Somaliya sida aan wararka ku helnay, waxaana sidoo kale iyana rasaas furay ciidamo kale oo isgoyska dabka ku sugnaa.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha ka baxaya, waxaana doraad oo keliya siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho qarax iyo weerar kale oo gaari loo adeegsaday lagu dilay sedex qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen wiil iyo hooyadiis.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/20Dcn1s
via IFTTT

No comments:

Post a Comment