Tuesday, February 16, 2016

C/weli Gaas oo looga yeeray dalka Itoobiya iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya safbabta loogu yeeray

Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali {Gaas}ayaa looga yeeray dalka Itoobiya, halkaas oo uu shalay u ambabaxay isaga iyo xubno ka tirsan maamulkiisa, waxaana safarka Gaas ee dalka Itoobiya ka soo baxaya warar kala duwan.
C/weli Gaas ayaa intii uusan ka amba bixin garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxa uu warfidiyeenada uga warbixiyey ujeedka safarkiisa, waxaana uuu sheegay inuu safarkiisu ku qotomo casumaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Itoobiya, waxayna warar hoose oo laga helayo safarkiisa ay sheegayaan in dowladda Itoobiya ay u yeertay si ay ugala hadasho diidmada Puntland ee qaabka doorasho ee dalka Soomaaliya ka dhaceysa sanadkan, halka warar kale ay sheegayaan in lagala hadli doono khilaafka kala dhaxeeya maamulada Somaliland iyo Khaatumo.
"Safarka aan ku aadeyno Itoobiya waa safar shaqo oo kooban, waxaana u aaday casumaad rasmi ah oo aan ka helay dowladda Itoobiya, waad ogtihiin oo Puntland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada ganacsiga, Nabadgeliyada iyo la dagaallanka Xagjirnimad ah" ayuu yiri hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas.
Mr. Gaas ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Itoobiya ay Puntland kala shaqeyso, dhinacyada sugidda amniga, la dagaalanka waxa uu ugu yeeray argagixisada iyo xiriirka ganacsiga, isla markaana uu dowladda Itoobiya kala hadli doono arrimahaas oo dhan iyo sidii shirkadaha ganacsi ee Itoobiya ay maal gashi ugu samaysan lahaayeen Puntland.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1SxbxE9
via IFTTT

No comments:

Post a Comment