Friday, February 5, 2016

Wafdi ka socda beesha caalamka oo ku wajahan magaalada Garoowe iyo faahfaahino dheeri ah oo ka soo baxaya

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in maalinta Isniinta ee 8 Feb,2016 ay halkaasi gaarayaan sida la qorsheeyey wafti ka socda beesha caalamka oo uu hogaaminayo ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.
Kulankaan oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saari doona go'aankii dowlada Federaalka kasoo saartey qaabka doorasho ee Soomaaliya taas oo uu maamulka Puntland diidey,iyagoo sheegay inaysan marna aqbaleynin go,aanadii shirkaaasi oo ay ku eedeeyeen inay dowladda soomaaliya kaligeed go'aamisay.
Sida warku sheegayo xubnaha beesha caalamka ayaa kulamo la qaadan doonaan golayaasha maamulkaasi , siyasiyiinta, bulshada rayidka ah iyo oday dhaqameedka Puntland si ay uga dhaadhiciyaan in puntland tageerto go,aanka la gaaray.
Warku wuxuu intaasi kudarayaa in Xafiiska Qaramada Midoobey ee magaalada Garowe uu kulamo hordhac ah la yeeshey 4 bishan Feb 2016 qaar ka tirsan siyaasiyiinta Puntland kuwaas oo looga hadlay qaabka kulamada soo socdaahi u dhacayaan iyo qodobada lagaga hadlayo.
Dhinaca kale Madaxweynaha puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo khamiistii gaarey magaalada Garowe ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo hordhac ah oo uu la qaadanayo qaybaha kala duwan ee buslahada iyo golayaasha maamulkaasi si ay go,aan mideysan ula tagaan kulamada maalmaha soo socda lagu wado inay halkaasi ku dhexmaraan wafdiga ka socda beesha caalamka iyo maamulka puntland



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1VXw02W
via IFTTT

No comments:

Post a Comment