Wafdi ka socda Midowga Afrika ayaa Soomaaliya ku yimid booqasho ay ku qiimeynayaan howlgalka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya iyo baahida deg-degga ah ee ciidamadu Midowga Afrika ka socda ay u baahan yihiin, Xubnaha Wafdigan oo ka socda qaybta taageerada howlgalada Ciidanka Midowga Afrika ayaa Waxyaabaha ay doonayaan inay ogaadaan waxaa ka mid ah sida loo qorsheeyay howlgalada AMISOM iyo kaalinta ay ku leeyihiin sidii loo heli lahaa jawi xasilloon oo ay ku socon karaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya, amniga iyo weliba dib u heshiisiinta.
Sidoo kale wafdiga ayaa waxay u kuur-galayaan sida lagu caawin karo laamaha amniga dowladda Soomaaliya ee la shaqeeya Ciidanka AMISOM iyo sidii loo fulin lahaa waajibaadka ka saaran ka Hor-tagga khataraha ka imaan kara Al-shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.
"Guddigan waxay qiimeyn doonaan sida ay ku socdaan howlaha lagu doonayo inay Soomaaliya uga dhacdo doorasho Sanadkaan dhamaadkiisa" ayaa lagu yiri warbixin lagu daabacay Shabakadda AMISOM ay ku leedahay Internet-ka.
Jen. Francis Okello oo Hoggaaminayay Wafdiga ayaa yiri. "Safarka aan Soomaaliya ku nimid, waa sidii aan wax uga ogaan lahayn diyaar-garowga ciidanka AMISOM ay ugu jiraan sidii ay u taageeri lahaayeen Geeddi-socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya ka socota. Maadaama la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho Dhamaadka Sanadkan 2016-ka iyo sidii aan taageero uga geysan lahayn".
Wafigan ayaa waxay booqdeen, Fariisimaha AMISOM ay ku leedahay degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo halkaas ay kulamo kula yeeshay waxgaradka degmada, taliyeyaasha ciidamada iyo maamulka, si xaaladda amni ee degmadaas ka jirta ay wax uga ogaadaan.
Taliyaha Ciidamada Uganda ee Qaybta ka ah howlgalka AMISOM oo Saldhiggoodu yahay degmada Marko Col. Peter Omol ayaa uga warbixiyay wafdiga ka socday ururka Midowga Afrika, is-bedelladii gacan ku haynta Degmadaasi ee Al-shabaab iyo Ciidanka AMISOM ee dhawaan ka dhacay degmadaas, isagoo xusay inay xilligan ciidanka AMISOM si buuxda gacanta ugu hayaan degmada Marko.
Ugu dambeyn Crowd Chirenje oo ka mid ahaa xubnaha wafdiga Midowga Afrika ayaa ka sheegay goobta inay warbixinada ay helaan ay ku celinayaan mas'uuliyiinta sare ee Ururka, waxaana ka mid ah waxyaabaha aan ka warbixin doonno taageerada ay ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan u baahan yihiin iyo weliba tallaabooyinka ay doonayaan inay qaadaan Taliyeyaasha Ciidanka Midowga Afirka si ay Dowladda Soomaaliya uga caawiyaan sidii dalka dhan loo nabadeyn lahaa.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1KQuEqd
via IFTTT
No comments:
Post a Comment