Wednesday, February 24, 2016

Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Soomaalida ee loogu qabtay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga

Waxaa lagu soo Gunaanaday shalay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya kaas oo halkaasi ka socday muddo laba maalmood ah, iyadoo gebagabadii shirkaasi laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 31-qodob.
Qodobada ku xusnaa warmurtiyeedka Shirkaasi laga soo saaray ayaa Waxaa ka mid ahaa; In shirkaan ay ka Qayb-galeen Wufuud ka kala socday 54 dal iyo 11 hay'adood oo Dalal Caalamka ah ka kala socday, sidoo kale, waxay ka qaybgalayaasha shirka soo dhaweeyeen sidii Barnaamijka Higsiga Cusub ee Somalia [New Deal], iyadoo dhanka kalena Amaanay sida ay dowladda Somalia wax u maamushay, gaar ahaan nabadda iyo dib u dhiska dalka, iyagoo xusay inay jireen caqabado kala duwan oo hor-taagnaa howlahan fulintooda.
Waxaa kaloo warmurtiyeedka lagu xusay in muddo xileedkii Baarlamaanka Soomaaliya uu ku eg-yahay sanadkan, loogana baahan yahay hay'adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd 2016.
Ka-qayb-galayaaha ayaa waxay kale oo xuseen inaysan sanadkan ka dhici karin Soomaaliya Doorasho Qof iyo Cod ah, iyagoo xusay inay Taageerayaan Go'aankii kasoo baxay shirkii lagu qabtay Muqdisho sanadkan 2016-ka ee ku aaddanaa hanaanka doorasho ee Soomaalia ka dhacaysa, kaasoo ahaa in isku dhaf ah ay ku dhacdo doorashadu.
Waxay kale oo, Xubnahani Sheegeen inay Dareemeen Maqnshaaha ay ka Maqnayd Shirkaan Puntland, iyagoo Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada ka jira dalka u soo jeediyey inay muujiyaan sidii ay Puntland qayb uga noqon lahayd arimahan, si doorashada sanadkan ka dhacaysa Soomaaliya ay cid walba uga qayb qaadato.
Xubnihii ka qayb-galay Shirkaasi lagu Qabtay Istanbuul ayaa Sheegay in ku Talinayaan in Sanadka 2020-ka ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho uu Qof walba oo Soomaali ah codkiisa ka dhiiban karo, waxay kale oo ay ku taliyeen in la dardargeliyo dhismaha Maamulka ay Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe yeelanayaan, kaas oo dhismihiisu uu haddaba socdo, iyagoo intaas ku daray inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Sidoo kale waxay ka qayb-galayaashu hoosta-ka-xariiqeen in Dastuurka Soomaaliya ee hadda lagu howlan yahay wax ka bedelkiisa lagu saleeyo hannaanka federaalka uu dalku xilligan u gudbayo, isla markaana uu noqdo dastuur ay shacabka Soomaaliyeed isku raacsan yihiin, kana shaqeynaya nabadda, gundhigna u noqda degenaasho siyaasadeed oo dalka ka dhacda.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/20WoWoC
via IFTTT

No comments:

Post a Comment