Friday, February 5, 2016

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis ku kala saxiixday magaalada Khartuum ee dalka…

Xogahaya joogtada wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya Cali bin Cali iyo dhiggiisa Dalka Sudan ayaa shalay halkaasi ku kala Saxiixay Heshiis is afgarad ah oo dhex mari doona labada wasaaradood ee Sudan iyo Soomaaliya, heshiiska oo ay goob joog ka ahaayeen diplumaasiyiin labada dowladood ka socday ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta wasaaradda arimaha dibadda ee Sudan.
Xogahayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda soomaliya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid waxbadan kusoo kordhin doona Xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, sidoo kale wafdiga ka socda soomaaliya ee ku sugan dalka sudan ayaa booqasho ku tagay xarunta safaaradda Soomaaliyeed ee Sudan islamarkaana kulan la yeeshay Diplumaasiyiinta ka shaqeysa safaarada.
Fiidow Maxamuud Fiidow oo ah uqaybsanaha warfaafinta safaaradda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mas'uuliyiinta booqashadooda Safaaraddu aheyd sidii ay ugu Kuur gali lahaayeen Xaalada iyo shaqada ka jirta Safaaradda.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1SzaofE
via IFTTT

No comments:

Post a Comment