Monday, February 1, 2016

Dowladda Somaliya oo beenisay war ka soo yeeray dowladda Kenya, sheegtayna in Kenya ay banneysaneyso dhiiga dadka Soomaaliyeed

Kadib markii dowladda Kenya ay sheegtay inay shaki ka qabto in ciidamada dowladda Federalka Somaaliya ay ku lug leeyihiin weerarkii askarta badan lagu dilay ee ka dhacay deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay, beeniyayna warka Kenya maamulka gobolka Gedo ee dowladda Somaaliya oo sheegay inaysan waxba ka jirin warka Kenya ka soo yeeray, ayna ku banneysaneyso dhiigga dadka Somaliyeed.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq Al-qaadi, ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lug leeyihiin weerarkii Ceelcadde, wuxuu sheegay hadalka ka soo baxay dowladda Kenya ee ay ku sheegtay inay shaki uga qabto in ciidamada dowladda ku lug leeyihiin weerarkii Ceelcadde inuu yahay mid Kenya ay ku dooneyso inay ku baneysato sii wadista duqeymaha ay ka geysatay gobolka Gedo.
Al-qaadi ayaa sheegay inaysan jirin sabab ciidamada dowladda Somaaliya ay qayb uga noqdaan dagaalkaasi, maadaama ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ay leeyihiin hal cadow, cadowgaasi oo ah Al-shabaab, isagoo hadalka sii wata guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ayaa wuxuu tilmaamay degmada Ceelcadde ee gobolka Gedo inay geynayaan ciidamo ka tirsan dowladda Somaliya si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Guddi dowladda Kenya ay u xil saartay baaritaanka ku aadan weerarkii degmada Ceelcadde 15-kii bishii dhamaatay ayaa sheegay inay shaki ka qabaan in ciidamada Somaliya dagaalkaasi ku lug lahaayeen, maadaama Barta Isgaarsiinta ciidanka Kenya ee Ceelcadde la jaray ka hor inta uusan weerarka dhicin, Kenya ayaa ciidan badan looga laayay weerarkii cuslaa ee ka dhacay degmada Ceelcadde, inkastoo ilaa hadda madaxda Kenya aysan shaacin tirada ciidamada looga dilay weerarkaasi, ayna qarinayaan.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1o0VEZI
via IFTTT

No comments:

Post a Comment