Safiirka dalka Jabuuti u jooga Somaaliya Dayib Dubad Rooble oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa shalay gaaray Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka hiiraan halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiisha AMISOM ee B/weyne ku sugan iyo maamulka gobolka Hiiraan.
Soo dhaweyn kadib, ayaa Safiirka iyo wafdigiisu waxay Kulamo kula Qaateen Xarunta gobolka mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo saraakiil ciidan, gaar ahaa kuwa Jabuuti ka socda ee Qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Kulanka kadib, Waxaa si Wadajir ah Warbaahinta ula hadlay Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar iyo Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble oo faahfaahin ka bixiyay ujeedka socdaalka isaga iyo wafdigiisu ay ku yimaadeen Baladweyne.
Danjiraha ayaa xusay in safarkooda uu la xiriiro u kuur-galida xaaladda ciidanka Jabuuti ee ku sugan Beledweyne iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan iyo sida ay u socdaan Howl-galada ay kawadaan gobolka, Maadaama sida uu sheegay dhawaan is-beddel lagu sameeyay Qaar ka mid ah ciidamada iyo Saraakiisha Jabuuti, sidoo kale, Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Jabuuti gacan ka geysan doonto dhismaha maamulka gobolad Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe sida uu yiri
Dhinaca kale wararka ka imaanaya B/weyne ayaa sheegaya in saraakiisha AMISOM ee la socotay safiirka ay halkaasi geeyeen taliye cusub oo madax ka noqondoona Ciidamada cusub ee ka socda dalka Jabuuti, kuwaaas oo dhawaan gaaray gobolka hiiraan iyagoo bedelay ciidamadii dalka jabuuti ee halkaasi horey ujoogay kuwaas oo uu dhamaaday waqtigii ay joogi lahaayeen Soomaaliya.
Sida warku sheego taliyaha cusub ee madaxda ka noqondoona ciidamada Cusub ee dalka jabuuti oo lagu magacaabo Col. Xasan Jaamac ayaa bedelidoona taliyihii ciidamada jabuuti ee la socday ciidamada cusub ee dalka jabuuti kaas oo wax ka yar bil jooga Soomaaliya lamana oga sababta loo bedelay taliyehaasi cusub, inkastoo warar aan la xaqiijini ay sheegayaan in loo bedelay khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo saraakiisha hoggaamisa ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan,halka warar kale ay sheegayaan in dowladdiisa jabuuti ay howlo kale u dirsatay.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Pw8zMo
via IFTTT
No comments:
Post a Comment