Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in xeebaha dalka Somaaliya ay ka socdaan dhac iyo boob cad oo ay wadaan maraakiib shisheeye oo ka yimaada dalal kala duwan oo caalamka ka tirsan, wasiirka oo wareysi siiyey idaacadda Goobjoog ayaa xusay in boobka ka socda xeebaha dalka Somaliya ay tahay mid cad oo aanan daah saarneyn.
Wasiir Hadliye wuxuu sheegay caalamka intiisa kale inay indhaha ka daboosheen dhaca iyo boobka lagu hayo kheyraadka kala duwan ee ka buuxa xeebaha Somaliya, isagoo yiri "Waa tamar darro, talo darro, taag darro iyo innaga oo ilaahay towfiiqda inaga qaaday intaas oo dhan markii aad isku geyso qof walba wuxuu rabo ayuu meesha ka qaadanayaa waa lagu dhacayaa, waa lagu boobayaa, waxa ka socda xeebaha Soomaaliduna waxaa weeye dhac iyo boob cad oo adduunka intiisa kale indhaha ka heysto, inaan innagu soo dhacsano weeyaan, cid kuu soo dhicineysa ma jirto, haddii ninka kalluumeysiga ee ka yimaada Yurub, China, Japan, Iran meesha uu rabo haka yimaadee ama shirkad hebel haddii uu sameynayo 10, 20, ama 100 milyan muxuu macruuf kugu sameynayaa, annagu waa inaan joojino, haddii aynu Soomaali nahay waxaa nalaga doonayaa inay soo noqoto su'aasha ah sideen wax u qabsannaa, sideen xeebteena u ilaalsanaa, sideen xoolaheena u dhaqanaa, caruurteena u korinnaa, tacliin u sameysanaa, sideen u rabnaa inaan adduunkan uga mid noqono, cid noo sameyneysaa ma jirto oo aan innaga aheyn, waana inaan iksu tashanaa".
Wasiir Hadliye ayaa sheegay in caalamka Somaaliya wixii ay u qaban kareen ay u qabteen, inta dhimana loo baahan yahay in Somaaliya ay qabsato, wuxuuna yiri "Adduunka intuu uu inoo sameyn karayey wuu inoo sameeyay, qaarna waxba kuuma sameynayaan oo wey ku dhibayaan, waxa weeye innagu maxaan qabsan karnaa, maxaan sameysan karnaa, u noolaan karnaa, sideen caruurteenna u korsannaa, dadkeena masaakiinta ee Kalluumeysanaya waxay u baahan yihiin Tamar, taageero, waxay u baahan yihiin in loo qeyliyo oo loo hiiliyo, innaguna inaan isku hiilinno weeye".
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1R0RsTo
via IFTTT
No comments:
Post a Comment