Sunday, February 21, 2016

Kenya oo ka hadashay sababtii garoonka Nairobi loogu xayiray R/wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigii la socday, kuna sigtay in dib loo soo celiyo

Saraakiil ka tirsan waaxda duulimaadka Kenya ayaa shaaciyay sababta keentay in Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigii la socday muddo saacado ah lagu xayiro Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, dhacdadaas oo lagu tilmaamay fadeexad diblomaasiyadeed oo lagula kacay wafdigaasi ka socday Soomaliya.
Saraakiisha Kenya ayaa ku dooday in Wafdiga Ra'iisalwasaaruhu aysan soo marin Garoonka Wajeer oo ah meesha diyaaradaha Soomaaliya ka yimaada lagu sii hubiyo xilliga ay u socdaan Nairobi, wuxuuna sarkaal ka tirsan waaxda duulimaadka Kenya uu u sheegay wargeys ka soobaxa dalka Kenya inay arrintaasi tahay jebin sharcigii nabadgelyada u yaalay. Sarkaalkan oo la hadlay wargeyska The Standard ayaa sheegay in arrintaas sidii wax looga qaban lahaa ay isku qabteen waaxda socdaalka iyo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.
Sida warku sheegayo Saraakiisha Ammaanka Kenya ayaa amray in dib loogu celiyo diyaaradda iyo ra'isial wasaaraha la socda magaalada Muqdisho, laakiin waxaa dhacday in diyaaradii Nairobi geysay Ra'iisal wasaaraha ay degdeg uga noqotay garoonka, taasoo xaaladii sii cakirtay.
Dhinaca kale qeybta borotokolka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa halkaasi u dirtay gawaarida martida ee qaadi lahayd wafdiga Ra'isal wasaaraha Soomaaliya kuwaasoo saacado badan ku sugnaa qeybta VIP-da garoonka oo saraakiisha ammaanka ay ku heysteen Ra'isal wasaaraha iyo wafdigiisa,inkastoo markii dambe iyo isaga dhowr wasiir u fasaxay inay gudaha u galaan magaalada Nairobi oo ay doonayeen inay saacado ku nastaan,kadibna uga siigudbaan dalka Turkiga.
Ra'iisal wasaaraha ayaa hogaaminayay wafdi ka kooban 20 xubnood oo isugu jira 3 wasiir iyo xildhibaano iyo xubno kale, waxayna shalay mar kale ka dhoofeen magaalada Nairobi iyaga oo ku siijeeda dalka Turkiga oo ay uga qeybgelayaan shir looga hadlay doorashooyinka soomaaliya kaas oo sidoo kale ay ka qeybgalayaan wuufuud badan oo kala socota caalamka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/21k0Ztw
via IFTTT

No comments:

Post a Comment