Sunday, February 7, 2016

In ka badan 20 ruux oo loo xirxiray qarixii diyaarada Daallo Airline iyo dowladda oo ka hadashay

Xukuumadda federalka Somaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ka badam 20 ruux in loo xirxiray qarixii ka dhex dhacay diyaaradda Daallo Airline, talaadadii aynu soo dhaafnay, xilli diyaaradda ay ku sii jeeday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, afhayeenka Xukuumadda Somaliya C/salaan Axmed Caato ayaa sheegay in qaraxaasi loo soo xiray in ka badan 20 ruux oo lala xiriirinaayo inay wax ka ogaayeen, inkastoo uu sheegay weli baaritaanka inuu socdo.
Afhayeenku waxa uu sheegay dowladda Somaaliya inay soo bandhigtay muuqaal ay duubtay kaamirada CCTV ee ku dhegan garoonka, waxaana muuqaalkaasi laga dhex arkay labo nin oo mid ka mid ah uu xiranyahay dharka ay gashtaan shaqaalaha garoonka, kuwaas oo Laptop u dhiibaya nin la sheegay inuu ahaa kii diyaaarada qaraxa ka geystay, kadibna dhacay.
Inkastoo afhayeenka xukuumadda C/salaan Caato uusan kala saarin dadka xiran waxa ay yihiin, haddana wuxuu ku gaabsaday inuu socdo Baaritaanka oo loo ogol yahay kaliya intaasi inuu sheego, Mr. Caato ayaa xaqiijiyey inay yaraadeen duulimaadyadii imaan jiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sababtana ay tahay dowladda Somaaliya oo weli wada baarista, isla markaana marka la soo gaba gabeeyo si toos ah loo shaacin doono natiijada baaritaanka.
Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday wixii ka dhex dhacay diyaaradda Daallo Airline gudaheeda inay ahaayeen qarax la doonaaye in dhibaato loogu geysto bulshadii saarneyd diyaarada, ilaa iyo hadda ma jirto cid dusha loo saaray ama sheegatay mas'uuliyadda qarixii diyaaradda Daallo, inkastoo weli ay socdaan Baaritaanada oo Khuburo Ajaanib ah iyo kuwa Somali ah ay wadaan baarista.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1La4pWl
via IFTTT

No comments:

Post a Comment