Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Boutros Boutros-Ghali ayaa shalay galab ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee xrunta dalka Masar, sida uu sheegay Madaxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Boutros-Ghali oo 93-jir ahaa ayaa waxaa tan iyo Todobaadkii hore uu ku jiray isbitaal ku yaala magaalada Qaahira halkaas oo loo daweynayay xanuun lasoo darsay.
Sidoo kale, Boutros-Ghali ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Afrika ka socday ee qabta jagada xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, isagoo xilka Qaramada Midoobay qabtay sanadkii 1992-kii, isagoo xilkaasi hayey illaa sanadkii 1996-kii, kadib markii Xukuumadda Mareykanku ay hor-joogsaday inuu mar kale isku soo taago xilkaasi.
Xukuumadda Masar ayaa si rasmi ah u sheegtay in Boutros-Ghali uu Taladaadii shalay ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Qaahira, iyadoo wargeyska Al-Ahram ee ka soo baxa Qaahira uu sheegay inuu miskaha ka jabay, mudadii uu ahaa Boutros-Ghali Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa calaamka ka dhacay is-bedello badan iyo dhibaatooyin murugo ku reebay Calaamka, kuwaasoo ay ka mid yihiin Bur-burkii ku dhacay Midowgii Sofiyeeti oo soo Af-jartay dagaalkii qaboobaa ee Dunida, isla markaana ay awooddu kusoo hartay ururka NATO oo uu hoggaaminayo Mareykanka.
Sidoo kale Intii uu xilka hayay Boutros-Ghali waxaa dhacay xasuuqii dalka Serbia ka dhacay ee lagu dilay in ka badan 8,000 qof oo Muslimiin ahaa, Xilli Qaramada Midoobay ay sheegtay in Serbia ay ka jirto nabad, taasoo QM ay kala kulantay Waji-gabax.
Waxyaabaha kale ee lagu xusuusan doono xilligii uu Xoghayaha Guud ee Qaramad Midoobay ahaa Boutros Boutros-Ghali ayaa waxaa ka mid ah; Xasuuqii ka dhacay Rwanda oo muddo 100-casho oo keliya lagu dilay in ka badan Hal Milyan oo ruux 1994-kii,sidoo kalena waxaa intii uu xilkaasi hayey ka dhacay soomaaliya dagaallo badan gaar ahaan dagaalkii 3 October 1993-dii kadhacay magaalada muqdisho kaas oo u dhaxeeyey Ciidamadii UNISOM iyo Ciidamada Jen.maxamed Faraax Caydiid kaas oo lagu dilay 18 askari oo mareykan ah iyo soomaali aad u badan
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Sxbmst
via IFTTT
No comments:
Post a Comment