Dowladda Soomaaliya, ayaa ka hadashay shalay Xayiraaddii Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi loogu geystay Sabtidii Toddobaadkan Wafdigii Ra,iisulwasaaraha Soomaaliya uu hoggaaminayey, iyagoo Garoonkaasi ku ahaa Transit ay uga gudbayeen Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga balse doonayey inay saacado ku sii hakadaan magaalada Nairobi,waxayna dowladdu sheegtay inay aad uga xuntahay talaabadda lagula kacay wafdigii ka socday dowladda soomaaliya.
"Dowladaha Somalia & Kenya horay waxay u kala Saxiixdeen heshiis is-faham ah (MOU), kaas oo dhigayay in Xubnaha sare ee dowladda Soomaaliya iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ay helaan ogolaansho dal ku gal Waqti kasta oo ay u safraan Dalka Kenya, iyadoon dib u dhac lahayn, laakiin nasiib-darro in dowladda Kenya ay jabisay heshiiskaas," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay shalay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeedka ku sheegtay inay ka sugayso Hoggaamiyeyaasha dowladda Kenya cudurdaar rasmi ah iyo faahfaahin la xiriirta dhacdadaas iyo sababta keentay xanibaada wafdi heerkiisu sareeyo ee uu Hoggaaminayey Ra,iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.
Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya, waxay sheegtay inay ka fekereyso jawaabta ku haboon ee falkaas ay ka bixinayso, waxaana hadalkan uu kusoo beegmayaa 2 maalin kadib markii garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta muddo 20 saacadood ay ku Xayirnaayeen xubno ka tirsanaa wafdigii la socday Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1L7Sy0s
via IFTTT
No comments:
Post a Comment