Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Dacwad isaga iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya ka dhan ah, taasi oo ay gudbiyeen Axsaabta Siyaasada dalka.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay Dacwadaasi laga gudbiyay oo salka ku haysa sida uu yiri arrin Siyaasadeed inay tahay mid qaldan oo ay aheyd in loo tago Baarlamaanka Somaliya, loona ashtakoodo, kadibna Baarlamaanka uu weydiiyo Ra'iisul Wasaaraha Somaliya.
"Horta Dacwad arrin Siyaasadeed hadii la dhaho Maxkamad ha la isku geeyo waxa ay ila tahay arintaasi inay tahay arrin qaldan Wixii siyaasad ah Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa wakiil ka ah waxay aheyd dadkaasi haddii runtii tahay arrin Siyaasadeed in la geeyo Baarlamaanka, Baarlamaankuna uu anaga na warsado uu dhaho Xukuumadda arrintii keena marka in Maxkamada sare in la geeyo Xoogaa waxa ay aheyd arin dheeri ah." Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Sharmaake.
Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda ayaa sidoo kale sheegay in Axsaabta Siyaasadeed ee dalka inaan loo sameynayn kaliya Magaalada Muqdisho, balse dalka oo dhan loo sameynaayo Axsaabta.
Waxa uu sheegay inaysan jirin hada shaqsiyaad sheeganaya inay matalaan Axsaab Siyaasadeed, maadaama weli Sharciga Axsaabta Siyaasadeed uusan noqon mid rasmi ah, balse weli uu ku guda jiro la tashiyo oo gacanta ay ku hayaan Guddi ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya, balse isbuucyada soo socda ay ka hadli doonaan Golaha Wasiirada.
"Axsaabta ma'ahan wax aniga iyo adiga iyo Gole Wasiire ay ka talinayaan waa in Soomaali oo dhan baa loo bandhigayaa talo ayaan gelinay oo Bishii November soo gaba gaboowday, Xisbiyada Magaalada Xamar kaliya uma sameynayno dalka oo dhan ayaan u sameynaynaa, Qof hada dhihi karo Axsaab ayaan matalayaa majirto sababtoo ah Sharcigii Axsaabta maba jiro" Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Sharmaake oo la hadlay Warbaahinta Dowladda.
Maxkamada sare ayaa horay u sheegtay in siyaasiyiin muwaadiniin ah kana tirsan Axsaab Siyaasadeed inay ka soo gudbiyeen Dacwad Ra'iisul Wasaare Sharmaake iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S1UWYL
via IFTTT
No comments:
Post a Comment