Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay fiidkii waxa uu ka dhacay xero Maslax oo ku taala duleedka xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa,waxaana sida warku sheegayo uu dagaalkaasi u dhaxeeyey Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda soomaaliya oo fariisimo ku leh deegaanka maslax iyo kuwa Al-shabaab.
Sida warku sheegayo dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ciidamada Al-shabaab ay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen xeryo ay deegaanka maslax ku leeyihiin AMISOM iyo ciidamada dowladda soomaaliya ,kadibna uu halkaasi ka dhacay dagaal ka fool fool ah oo muddo socday.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada,iyadoo labada dhinacba ay adeegsadeen hubka culus iyo kan fudud,ilaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi inta uu la egyahay,sidoo kalena lama oga in waxyeelo ka soo gaartay dagaalkaasi dadka shacabka ah eek u nool degmadaasi, iyadoo dhinaca kale aysan labada dhinac ee dagaalku dhexmaray aysan weli ka hadlin dagaalkii xalay.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1LN26cj
via IFTTT
No comments:
Post a Comment