Saturday, February 13, 2016

Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay duleedka degmada Ceel-buur

Sargaal ka tirsanaa Al-shabaab iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay deegaanka Ceel Qooxle ee duleedka degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud, Cabdi Xasan Biyo Quute oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Ceelbuur ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Milatariga Soomaaliya ay Al-Shabaab ka saareen deegaanka Ceel Qooxle oo hoos taga degmada Ceel Buur.
Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada Milatariga Soomaaliya ay dileen sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo lagu magacaabi jiray Maxamed daabyaambo, kaas oo la sheeay in Al-shabaab u qaabilsanaa aruurinta saawaadka, waxa uu kale sheegay Cabdi Biyo Quute inay dileen nin kale oo ilaalo u ahaa sargaalkan la dilay, waxa uuna intaa raaciyay in ay jiraan rag kale oo Al-Shabaab looga dhaawacay howlgalka ay ciidankooda ka fuliyeen deegaanka Ceel Qooxle.
Al-shabaab ayaan ka hadlin warka ku aadan dilka la sheegay in loo geystay sarkaalka u qaabilsanaa dhinaca sakawaadka iyo mid kamid ah ilaaladiisa, mama jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara dilka ay sheegeen saraakiisha ciidanka dowladda inay ugeesteen sargaal katirsanaa A-shabaab.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Pw8ybl
via IFTTT

No comments:

Post a Comment