Monday, February 8, 2016

Baarlamaanka oo xukuumadda Soomaalia ku celiyay xubnaha golaha adeegga Garsoorka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kulmay shalay Muqdisho ayaa Xukuumadda Soomaaliya dib ugu celiyay Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka, si loosoo dhameystiro, iyagoo sidoo kalena ka dooday isbedel lagu sameynayo xeer-hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya, kulanka Baarlamaanka oo uu Shir-guddoominayay,guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa ku xigeennadiisa iyo 142 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka, waxaana kulankii shalay looga hadlay qodobo kala duwan.
Qodobada xildibaanadu ay shalay ka doodeen, ayaa Waxaa ka mid ahaa Golaha Adeegga Garsoorka Dalka, waxaana xildhibaannadii ka hadlay kulanka ay kasoo hor-jeesteen in laga hadlo qodobkan sababo ay ku sheegeen inaysan sharciyan dhameystirneyn xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka oo laga rabay inay noqdaan sagaal xubnood, Laakiin Shan xubnood oo keliya loo soo gudbiyay Baarlamaanka.
Kadib dood-dheer ayuu Guddoomiyaha Baarlamnaanka Soomaaliya, Jawaari wuxuu sheegay in laga saaray Qodobada laga hadlayo Golaha Adeegga Garsoorka, isla markaana dib loogu celinayo xukuumadda si ay u soo dhameystirto xunaha Golaha Adeegga garsoorka.
Dhanka kale guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada ayaa soo jeediyay in wax laga bedelo qodobka 28-aad ee Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.
Warbixinta guddiga xeer-hoosaadku soo gudbiyey ayaa lagu yiri Inagoo Qadarinaya Hab-sami u socodka Howlaha Baarlamaanka ay soo jeedinayaan in Qodobka 28-aad farqadiisa 1-aad ee Xeer-hoosaadka oo dhigaya 'Aqlabiyadda Tirada Guud ee Xubnaha Golaha waxay noqonaysaa tirada kooramka ee 50+1' in qodobkaasi wax ka bedel lagu sameeyo waxayna soo jeediyeen in qodobkasi loo bedelo Sidaan:
1. Markii ay Coddeyni jirto Kooramka Baarlamaanka, Wuxuu Ansaxku noqon karaa Aqlabiyadda tirada guud ee Xubnaha Baarlamaanka oo ah (50+1),laakiin Haddii aanay Codeyni jirin Kooramka, Wuxuu ku furmayaa (1/3) saddex meel, hal meel tirada guud ee xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo noqoneysa 92 xildhibaan.
Ugu dambeyn xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dooday Qodobadkaasi iyo wax kabedelka ay guddiga xeer-hoosaadku soo jeediyeen iyadoo Qaarkood ay soo jeediyeen in Qodobkaasi aan Waxba laga beddelin, halka kuwa kale ay taageereen in isbedel lagu sameeyo qodobka 28-aad Farqadiisa 1-aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Xf71t7
via IFTTT

No comments:

Post a Comment