Madaxwyenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo taabaneysay ka jeediyay baarlamaanka hortiisa ayaa sheegay in talada dalka ay wax ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana laga gudbay xilligii siyaasadda dadkale ay sameyn jireen, Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ugu horeyn baarlamaanka ka codsaday inay kalsooni badan ku qabaan madaxdooda, isla markaana ay meesha ka saaraan in iyagu laga maarmay.
"Waxaan idinka codsanaya inaad meesha ka saartaan in baarlamaanka laga maarmay, waxaan rabaa inaan idin cadeeyo inaan la idinka maarmin, kalsoonidaas intaad ku joogtaan waa muhiim" ayuu yiri Xasan oo intaas ku daray inuu dedaal badan u galay in talada Soomaaliya ay Soomaalida dhexdooda ah loo daayo
"Beesha caalamka ma noo sameyn karto siyaasadda, waxa kale waa naloo qaban karaa dhanka taageeridda amniga, dhismaha xarumo muhiim ah, tan kale siyaasad kuma sameyn karno marxaladihii adkaa ee laga soo gudbay, gaar ahaan siyaasad dad dangaar ah ka leh ma sameyn karno, balse Siyaasad danta guud ah waan sameyn karnaa, waana ku soconaa wadadeeda" ayuu yiri Madaxweynaha oo dhanka kale yiri "Shilkii Liido waxaa lagu laayey hooyooyin, carruur iyo dad kale maato ah, dadkii ka dambeeyay dhacdadaasi waa argagixiso, waa tuug burcad ah oo u bareeray leynta maatada, kuwaas waxay u baahanyihiin in ummadda laga dhexqabto".
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hay'adaha amniga ay kala hadleen in dadka lagu soo qabto howlgalada inaan dhibaato loo geysan, isla markaana lagu sameeyo oo keliya baaritaano lagu ogaanayo, waxaana uu intaas raaciyey in ciddii lagu arko iyadoo jirdil u geysanaysa dad maxaabiis ah laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Madaxweynaha oo arrimaha dhaqaalaha ka hadlay ayaa sheegay in xoogaa horumar laga gaaray xagga dhaqaalaha, isagoo dhanka kale xusay in Al-shabaab ay dhalinta ku qaldeen lacag, loona baahanyahay in arrimahaasi wax laga qabto oo dhalinta mustaqbal fiican lagu horseedo.
"Waxaan kaloo rabaaa inaan hadalkeyga ku soo gunaanado dhallinyarada u dagaalanta Al-shabaab waxay u badanyihiin kuwo aan ku qanacsaneyn caqiida kooxdaas, balse ay jiraan daruufo adag oo ku kalifeysa, marka waxaa loo baahanyahay inaan u wada istaagno sidii dhalinta ay marin habaabiyeen Al-shabaab loogu sameyn lahaa wacyigelin guud iyo shaqo abuur" ayuu yiri Xasan.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TNB2jZ
via IFTTT
No comments:
Post a Comment