Madaxweynaha dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabiley, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca arrimaha siyaasadda, Danjire Jeffrey Feltman oo shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa Danjire Feltman uga mahad celiyay booqashada uu ku yimid dalka, oo uu tilmaamey inay muhiim u tahay Soomaaliya oo qaadeysa talaabooyin taariikhi ah oo dhinaca siyaasadda iyo dib u qaabeynta mustaqbalka waddanka la xiriira sida uu yiri, waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah u soo kabaneyso, taasina ay ku timid wadashaqeynta iyo wadaxaajoodyada muhiimka ee dhexmaraya Soomaalida.
"Wax badan ayaa inoo qabsoomay, wax baddan way inoo dhiman yihiin. Waxaan xoogga saarnay saddex ajande oo laf-dhabar u ah dib u dhiska Soomaaliya. Waxaana saddexdaasi arrimood ay kala yihiin hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, arrimaha amniga oo Golaha Nabadgelyada Qaranka oo aan ku soo darney maamulada dalka ka jira iyo qeybsiga kheyraadka. Dhanka kale aad baan uga mahad celinayaa Qaramada Midoobay oo door weyn ku leh dib u soo kabashada dalkeena, anigoo rajeynayaa inay sii waddo taageerada ay inoo fidiso", ayuu yiri Madaxweyne xasan Sheikh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyey baahida loo qabo isku dubbaridka iyo tayeynta howlgallada AMISOM iyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al Shabaab.
Dhinac kale Danjire Feltman oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku ammaanay go'aankii dhawaan ay qaateen ee meel marinta nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadkan, isagoo sheegay inay tallaabadaasi ay taageereen, si weyna ay u soo dhoweeyeen dalalka gobolka, caalamka iyo Qaramada Midoobay.
Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Danjire Feltman ay ka wadahadleen shirka ka dhici doona magaalada Istanbul bishan February dhammaadkeeda ee ay isugu imaanayaan Soomaaliya iyo wadamada iskaashiga la leh, iyagoo sidoo kale kawada hadlay shirka ka dhacaya magaalada Jabuuti ee ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa xarumo ay ku bartaan mihnadaha kala duwan, loona heli lahaa maalgashi sahlaya fursado shaqo.
Kulanka labada dhinac ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay,iyadoo dhinaca kale uu wafdiga qaramada midoobay la kulmay guddoomiyah baarlamanka soomaaliya,waxayna kala hadleen xaaladda soomaaliya iyo doorka qaramada midoobay
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1o8ox6o
via IFTTT
No comments:
Post a Comment