Wednesday, February 10, 2016

Jaamacada Carabta oo sheegtay inay kordhinayso taageerada ay siiso soomaaliya iyo wafdi ka socda oo la kulamay

R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa Gellinkii dambe ee shalay kulan la qaatay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta oo uu HOGAAMINAYAY madaxa isku tagga Waddamada Carabta ee Afrika, Danjire Zaid Al-Sabban, kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo taageerada ay Jaamacadda Carabtu siiso Soomaaliya, iyadoo Ra'isul wasaare cumar C/rashiid uu u sheegay wafdigaasi inuu aad ugu faraxsan yahay inay Muqdisho ay soo booqdaan wafdigan ka socda jaamacadda Carabta.
"Wuxuu kulankeennu qayb ka ahaa Wada-shaqeyn dhex-marta Soomaaliya iyo Dowladaha Carabta, waxaan iska wareysanay xaaladdo badan inagoo ka wada-hadlnay arrimo muhiim ah oo ka mid yihiin: Doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doona Sanadkan 2016-ka iyo doorka kaga aaddan sidii ay Jaamacadda Carabtu gacan uga uga geysan lahaayeen" ayuu yiri R/wasaare Sharma'arke.
Ugu dambeyn, Wafdiga Jaamacadda Carabta ee Hoggaaminayay, Danjire Zaid Al Sabban ayaa iyaguna sheegay in Jaamacada Carabta ay taageeradooda Soomaliya kordhin doonaan, ayna gacan ka geysanayaan hirgelinta Higsiga 2016-ka oo ay ka mid tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QXhOWl
via IFTTT

No comments:

Post a Comment