Wafdi uu hogaaminayey safiir ku xigeenka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Andrew oo booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ayaa halkaasi kula kumay madaxda maamulka Jubbaland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa C/laahi Ismaaciil (Fartaag) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubaland.
Wafdiga ka socday Ingiriiska ayaa madaxda maamulka Jubbaland waxay kala hadleen arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya, dhannaaka doorashada ee ka dhaceysa, arrimaha horumarinta iyo nabadgelyada, Madaxweeyne ku xgieenka Jubaland ayaa warbaahinta u sheegay in wafdiga ay ka wada hadleen arimo ay ka mid tahay siyaasadda dalka iyo geedi socodka doorashooyinka dalka ee sanadkan dhacaya.
Fartaag ayaa sheegay in ka Jubaland ahaan ay marwalba aaminsanyihiin in xalka Soomaaliya uu ku jiro in wax lagu qeybsado hab deegaan, balse ay tanaasul sameeyeen, iyagoo eegaya danta ummadda.
"Beesha caalamka waan u u caddeynay reer Jubaland marnaba inaysan ogoleyn, raalina ka aheyn 4.5, laakiin ummadda Soomaaliyeed danteeda annagoo xeerineyno, anagoo kala tagga Soomaali aan ogolayn, anagoo marwalba u tanaasuleyna Soomaalinimada, ayaa waxaan u cadeeynay annagoo shacabka reer Jubaland aan weli ka dhaadhicin inaan u tanaasulnay oo aan qaadannay wax walba oo dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay beesha caalamkuna ku raacday" ayuu yiri Fartaag.
Safiir ku xigeenka dowladda Ingiriiska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Jubaland ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dabayaaqada sanadkan ka dhacya Soomaaliya iyo sida loo wajahayo iyo arrimaha siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in beesha caalamku ay taageereeyso Soomaaliya, lana rajeynayo in sanadka 2020 ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod.
Wafdiga ayaa sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka degmada Kismaayo, ayagoo ka wada hadlay arimo la xiriira nidaamka 4.5 ee ay ku heshiiyeen madaxda Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nXEHiU
via IFTTT