Tuesday, January 12, 2016

Taliyeyaasha booliska Soomaaliya iyo Turkiga oo kulmay, kana wadahadlay arrimo ay ka mid yihin…

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo socdaal shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas, Celalattin Lekesiz.,waxayna Labada taliye-ciidan ka wada hadleen arrimo la xiriira dardargalinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya booliska labada dal.
Sada uu sheegay sarkaal katirsan safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Turkiga, labada mas'uul ayaa isla meel dhigay, gebi ahaanba arrimaha ay uga wada hadleen kulankooda,iskuna afgartay,iyagoo ku heshiiyey in kulamada labada dhinac ay sii socdaan
Dhinaca kale Taliyaha booliska Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xaan Xaamud ayaa booliska Turkiga uga mahad celiyay taageerada uu siiyo booliska iyo guud ahaanba dowladda Soomaaliya,isagoo xusay in ummadda soomaaliyeed ay marwalaba abaal uga hayaan dowladda iyo shacabka dalka turkiga oo isgarabtaagga ay soomaaliya isgarabtaageen.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TTXYMf
via IFTTT

No comments:

Post a Comment