Saturday, January 9, 2016

Shirka golaha wada tashiga ee Kismaayo oo la shaaciyey xilliga uu furmayo iyo qodobada looga hadlayo

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda soomaaliya ayaa sheegay shalay in shirka Golaha Wada Tashiga Qaranka ee lagu waday inuu maanta ka furmo magaalladda Kismaayo uu dib ugu dhacay sababo aanu si rasmi ah u shaacinin,waxa uu sheegay in shirkaasi uu dib u dhacay hal maalin oo qura ,islamarkaasna uu furmayo 11-ka bishan sida uu yiri,wuxuuna intaasi ku daray inuu filayo in dhammaan ay madaxda dowladda soomaaliya iyo kuwa goboladuba ay ka soo qeybgalaan.
Hadalka ra,iisulwasaaraha ayaa ku soo beegmaya iyadoo inta badan xubnihii shirkaasi ka qeybgeli lahaa ay hadda ku sugan yihiin magaalada muqdisho,islamarkaasna ay labo kaliya ka maqan yihiin kuwaas oo lagu wado inay si toos ah aadaan magaalada kismaayo,inkastoo warar kale oo aan la xaqiijini ay sheegayaan inay dhici karto inay marka hore soo gaaraan magaalada muqdisho ayna ka qeybgalaan shirar wadatashiyo ah oo ka horeeya shirka Kismaayo.
Warar kale ayaa iyana sheegaya in weli aan la hubin cidda shirkaasi uga qeybgaleysa dhinaca qaramada midoobay oo iyadu garwadeen ka ah shirarka hiigsiga 2016 iyadoo aan la ogeyn inuu dalka soo gaaray wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay iyo inuu weli xilka la wareegay.
Dhanka kale lama oga in Ajendayaasha looga wadahadlayo shirka kismaayo haddiiba uu qabsoomo inay yihiin qodobadii warmurtyeedkii horey looga saaray shirkii hore ee muqdisho lagu soo gabagabeeyey bishii Decemebr 16-dii kaas oo qodobadii laga soo saaray ay kamid ahaayeen, inaan wax muddo kordhin ah loo samayn karin Hay'adaha Dowladda Federalka, marka uu dhamaado mudada Dastuuriga ah ee Hay'adaha dowladda.
In la dhiso laba Aqal ee Sharci-dejinta ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, ioo qeyb ka noqonaya Doorashada ka dhici doonto sanadka 2016, in habka Awood-qeysbiga lagu saleeyo Qaabka Deegaanka iyo Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Pljzcv
via IFTTT

No comments:

Post a Comment