Sunday, January 24, 2016

C/weli Gaas: Waxaan shacabka uga digayaa hadalada siyaasiyiinta fashilmay inay qaataan, waayo…

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiin dhaliilay qaabka ay Puntland uga qaybgaleyo madasha lagu kala aragti duwanyahay ee looga wada xaajoonayo habka loo raacayo doorashada, wuxuuna tilmaamay inay yihiin kuwaas siyaasiin fashilmay jaahwareerinaya sida uu yiri bulshada,wuxuuna yiri isagoo arrintaasi ka sii hadlaya "Waxaan shacabka puntland uga digayaa hadalada ay jeedinayaan siyaasiyiinta fashilmay ee warbaahinta ka jeedinaya dacaayadda iyo been abuurka" ayuu yiri c/weli gaas oo aan magacaabin siyaasiyiintaasi uu ku sheegay kuwa fashilmay.
Sida warku sheegayo hadalka uu jeediyey Madaxweynaha puntland ayaa u muuqda inuu ula jeedo siyaasiyiin ka tirsan puntland kuwaas oo dhawaan warbaahinta gudaha ka sheegay in Madaxweyne Gaas lagu qanciyay qaadashada nidaamka wax ku qabsiga beelaha islamarkaana uu ogolaaday.
Dhawaan ayey aheyd markii Cali Xaaji oo horey u ahaa wasiirka waxbarashada dowlada Cabdiweli Maxamad Cali Gaas sheegay in heshiis laga gaarey nidaamka 4.5 islamarkaana Puntland aqbashey.
dhawaan ayaa la filayaa in magalada muqdisho uu kafurmo shir looga hadlayo habraaca doorashada iyo qaabka lagu soo xuli doono Xildhibaanada dowladda soo socota, inkastoo ay weli jirto kala aragti duwanaan xooggan oo dhexeysa dhincyada shirka ka qeybgalaya gaar ahaan maamulada dalka ka jira oo qaarkood ay doonayaan in hab deegaan wax lagu qeybsaday halka kuwa kale ay doonayaan in wax lagu qeybsado hannaanka uu hdda ku dhisan yahay baarlamaanka Soomaaliya ee 4.5-ka.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1UlnwSx
via IFTTT

No comments:

Post a Comment