Monday, January 4, 2016

Dowladha Emirate-ka, Bahrain iyo Sudan oo xiriirka u jaray dowladda Iran oo ay ku eedeeyeen…

Wadamada Emirate Carabta, Bahrain iyo Sudan ayaa waxay ku wada dhawaaqeen inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jareen dalka Iran, ka gadaal markii Sacuudigu uu iclaamiyey in xiriirkii diblomaasiyadeed uu u jaray dalkaasi.
Dowladda Bahrain ayaa waxay amartay in dalkeeda ay isaga baxaan dhammaan diblomaasiyiinta reer Iran ay ku sugan. Sudan ayaa sidoo kale sheegtay inay xiriirkii u jartay Iran, halka Emirate-ka Carabta uu yareeyay xiriirka diblomaasiyadeed ee uu la leeyahay Iran, wadamadan, ayaa waxay taageero wayn u muujiyeen wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, xilli markii horeba ay bahwadaagto ahaayeen.
Bahrain oo muujisay in si xoogan kaga carootay tallaabada lagu gubay Safaaradda iyo Qunsuliyadda Sacuudiga ayaa iclaamisay in gebi ahaanba ay xiriirkii u jartay Xukuumadda Tehran, bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Sudan, ayaa waxaa lagu sheegay in Sudan ay si degdeg ihi xiriirkii ugu jartay dalka Iran.
"Iyadoo laga jawaabaayo weerarka wuxuushnimo ah ee lagu qaaday Safaaradda Sacuudi Carbiya ee Tehran iyo qunsuliyadda uu ku leeyahay Mashhad, Sudan waxay ku dhawaaqaysaa go'aankeeda ah inay xiriirkii si deg deg ihi ugu jartay Jamhuuriyadda Islaamiga Iran" ayaa lagu yiri Bayaanka.
"Emirate-ka Carabta waxay hoos u dhigtay diblomaasiyiinta Iran iyo in Safiirkeena Iran, Saif Al Zaabi uu isaga soo taggo Magaalada Tehran, balse waxaanu sii wadi doonnaa xiriirka ganacsi ee inagala dhaxeeya" ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Emirate-ka.
Khilaafka xargaha goystay ee Sacuudiga kala dhaxeeya Iran ayaa waxaa si wayn looga dareemay Wadamada Bariga Dhexe, waxayna Muslimiintu u muuqdaan kuwo u kala qaybsan Sunni iyo Shiico, xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, ayaa sii xumaaday, ka gadaal markii Sacuudigu uu Sabtidii daldalay Sheikh Nimr al-Nimr, oo ka mid ahaa Wadaadada Shiicada Sacuudiga.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S1gzrM
via IFTTT

No comments:

Post a Comment