Tuesday, January 19, 2016

Madaxda Soomaalida oo dhaawan shir kale isugu imaanaya iyo dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay martigelineyso shirkaasi

Warar ku dhow dhow madaxda soomaaliya ee dhawaan shirkii ay ku yeesheen kismaayo ku soo kala tagay ayaa sheegaya in mar kale ay shir ka yeelanayaan sidii ay u qaadan lahaayeen mowqif mideysan oo ku saabsan qaabka loo dooranayo Xildhibaanada labada gole ee dowladda soo socota taas oo ay hadda ku kala aragti duwan yihiin madaxda soomaalida gaar ahaan maamulada iyo madaxda dowladda sare intaba, iyadoo qaar kamid ah madaxda maamulada dalka ka jiraahi ay doonayaan in qaab deegaan ama degmo lagu soo xulo aqalka hoose ee baarlamaanka ,aqalaka sarena lagu saleeyo xubnaha ka mid noqonaya 18 gobol ee dalka ,halka maamulada ee arrintaasi diidani ay iyagu doonayaan in xildhibanada labada aqalba lagu soo xulo nidaamka 4.5 ee soomaalidu wax ku qeybsaneysay 16 sano ee la soo dhaafay.
Sida warku sheegayo madaxda soomaalida ayaa lagu wadaa inay kulan isugu yimaadan magaalada muqdisho kulan kale inta aysan dhamaanin bishan hadda lagu jiro oo hadda mareysa 20 maalmood inkastoo aysan jirin waqti go'an oo la xaqiijiyey inuu shirkaasi furmayo.
Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiiikh ayaa shalay magaalada baydhabo oo uu uga qeybgalay caleemasaarka guddoonka sare ee baarlamaanka maamulka G/galbeed waxa uu ka sheegay in aan la dhihi karin shirkii kismaayo laguma heshiin,isagoo yiri shirkaasi waa la isku afgartay,maamalaha soo socda ayaadna ogaandoontaan go,aamada ka soo baxa ,inkastoo waqtiga ay madaxda soomaalidu shirka isugu imaanayso haddana waxa uu sheegay dhowrka beri ee soo socda la arki doono go,aanada ka soo baxa madaxda Soomaalida.
Wadahadalkii magaalada Kismayo ayaa waxaan kasoo bixin hadal rasmiya oo qeexaya khilaafka lagu kala tagey inkastoo qaar ka tirsan madaxda maamulada Somalia markii ay ku noqdeen degaanadooda ay rajo wanaagsan ka muujiyeen inuu guul ku dhamaandoono
Madaxweynaha maamulka putlanad Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo hadal ka jeediyey garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso kadib markii uu ka laabtay kismaayo ayaa waxa uu sheegay in aan la dhihikarin shirkaasi waa fashilmay, halka Ra'isul wasaaraha oo qoraal soo saaray shirka dib uu sheegay in shirkaasi intiisa badan la isku afgartay,laakiinse ay jiraan waxyaabo yar yar oo farsamo ahaan aan weli la isla meel dhigin,islamarkaasna ay dhaawan dowladda dhexe martigelineyso shir ay isugu imaan doonaan dhinacyadii ka qeybgalay shirkii kismaayo inkastoo aanu isna waqti sheegin.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1T3oK6u
via IFTTT

No comments:

Post a Comment