Hay'adda xasaradaha adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano ICG ayaa sheegtay in xarakada Al-shabaab ay ku xidideysatay Soomaaliya, isla markaana ay ku hamineyso inay qabato xukunka dalka, mas'uul u hadlay ICG ayaa ka digay in Al shabaab ay dib qabsato magaalooyin iyo degmooyin ay qabsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM.
"Al-shabaab waxay ku soo baxday dardar dhanka dagaalka ah, waxay weerartay oo ay qabsatay saldhigyo waa weyn oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika, runtii waxay dooneysaa inay qabsato dalka Soomaaliya oo ay maamusho" ayuu yiri mas'uul u hadlay ICG.
Warbixin dheer oo uu qoray wargeyska New York Times ayuu ku sheegay in saanado hubka ah oo ciidamada Al-shabaab ay ku qabsadeen dagaalkii degmada Ceel-cadde ay fursad u siineyso inay qaadaan weeraro kale, Al-shabaab ayaa weeraro qorsheysan ka geysatay Soomaaliya iyo dalal ay ka mid yihiin Kenya, iyadoo hadda ay wadaan dardar galin dhanka weerarada ah.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1nkI6b1
via IFTTT
No comments:
Post a Comment