Monday, January 4, 2016

Dowladda Soomaaliya oo taageertay go’aankii Sacuudiga uu ka qaatay Iiraan, dowldda Iiraanna ku eedaysay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Safaaradda Sacuudiga ku lahaa magaalada Tehran iyo dhismaha qunsuliyadda dalkaas uu ku lahaa magaalada Mash-had ee dalka Iiraan, warsaxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka safaaradda Sacuudiga uu jabinayo heshiisyadii caalamiga ahaa ee dhinaca diblomaasiyadda ee 1961-kii ee lagu gaaray magaalada Vienna.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay heshiiskaas uu farayo ilaalinta xarumaha Safaaradaha ku yaalla aduunka iyo shaqaalaha diblomaasiyadeed, sidoo kale waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in Soomaaliya ay ku garab taagan tahay dowladda Sacuudiga howl galadeeda ay kaga hortageyso argagixisada, isla markaana ay ku taageereyso adkeynta amniga iyo xasiloonida Boqortooyada ka wado dalkeeda iyo gobolkaba.
Warkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dowladda Sacuudiga xiriirka u jartay dowladda Iiraan, markii dibad baxayaal careysan ay dab qabadsiiyeen Safaaradda Sacuudiga ku lahaa Tehran, taasoo jawaab u aheyd dilkii Sacuudiga ku fulisay Sabtidii Wadaad Shiico ahaa.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S1gBju
via IFTTT

No comments:

Post a Comment