Wednesday, January 27, 2016

Madaxweyne Xasan: Waxaan u murugooneynaa, siina macsalaameynaa geesiyaashii Kenya ee dagaalkii Ceelcadde lagu dilay

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay khudbad dareen leh ka jeediyay munaasabadii loogu baroor diiqayay askartii Kenya looga dilay deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, "Maanta waa maalin taariikhi ah oo aan u murugooneyno inaan sii macsalaameyno geesiyaashii dagaalka nooga dhintay, sabab bini'aadanimo, anigu hadaan ahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaan safar usoo galay oo haalkaan u imid inaan qoysaska askarta dhimatay iyo dowladda Kenya u muujinno geesiyaashii usoo gurmaday Soomaaliya, islamarkaana aan muujino sidaan ugu faraxsanahay naf-hurida ay Kenya u sameeyeen Soomaaliya, iyo sida qotada dheer ee Soomaaliya la joogteen, Soomaaliya weligood abaal ayey idiinkaga hayn doontaa arrintaasi gudaha Kenya iyo banaankaba" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh,oo isagoo arrintaasi ka sii hadlaya mar kale yiri "Intii aad Somaliya la joogteen waqtigii ugu adkaa gudaha Somaliya iyo halkaan Kenya labadaba, Somaliya weligeed abaal bay idinkaga hayn doontaa, wanaagga aad u sameyseen, kalkaan gudaha Kenya iyo halkaas Somaliya dhexdeeda." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan, ayaa intii uu ka hadlayay xuskaasi aan soo hadalqaadin waxyeelada, ay diyaaradaha dagaalka Kenya ku hayaan shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Gedo,inkastoo afhayeenka madaxweynuhu sheegay in arrintaasi ay kawada hadlayaan labo guddi oo ka kala socota soomaaliya iyo Kenya,isagoo intaasi ku daray inuu jiri doono kulan gaar ah oo ay yeelanayaan labada madaxweyne ee soomaaliya iyo Kenya kaas oo sida uu yiri arrimo badan looga hadli doono



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1OZmAjm
via IFTTT

No comments:

Post a Comment