Taliyaha ciidanka xooga dalka, Jen. Maxamed Aadan Axmed oo shalay xafiiskiisa kula kulmay saraakiisha ugu sarreeya ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii dalka looga saari lahaa sanadka 2016-ka Al-shabaab. Iyadoo ay labada dhinac isla qireen sida ay lagama maarmaan u tahay in la billaabo howlgallo cusub.
Jen. Maxamed Aadan ayaa shaaca ka qaaday in sanadkan cusub ee 2016-ka uu u noqon doono ciidamada xoogga dalka, sannadkii dib u dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab sida uu yiri, "Kulanka aynu yeelanay ujeeddadiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee Al-shabaab joogto. Waxaanna isla garanay AMISOM in sanadkan 2016-ka, Soomaaliya oo dhan laga waayo meel ay Alshabaab ka taliyaan" ayuu yiri Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, kulankaasi ayaa waxaa taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ku weheliyay abbanduulaha ciidanka dowladda iyo saraakiil kale. Wuxuuna kulankankaasi lagu sheegay inuu qayb ka yahay kulamo is-daba-joog ah oo maalmihii u dambeeyey u dhexeeyey Wasaaradda Difaaca iyo taliska ciidamada AMISOM.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1Z7Cv9p
via IFTTT
No comments:
Post a Comment