Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo maalmo ka hor magaalada London kulan kula yeeshay qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee degen magaaladaas ayaa sheegay in Somaliland go'aansatay inay soomaaliya wax ku kala qaataan heshiis iyo is afgarad, isla markaasna aysan dooneynin inay dagaal la galaan Soomaliya inta la helikaro wadahadal.
Wasiirka oo kulankaasi su,aalo lagu weydiiyey ayaa ugu horey waxaa la weydiiyey waa maxay faa'iidada Somaliland ugu jirta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ku jawaabay "Sideedaba cid marka ay wax idinka dhexeeyaan waa laba mid un inaad sameyo, in aad dagaalantaan oo xoog iyo cudud melateri aad ku kala adkaataan iyo in aad heshiisaan oo fadhi iyo farsamo wax ku dhameysataan markaa Somaliland waxay qaadatay in ay Somaliya heshiis wax ku dhameystaan aduunkuna uu markhaati ka noqdo waanu soo dhaweeyey oo dhex buu ka noqonayaa Caalamku iyo hayadihiisuba".
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata kana sii jawaabaya su'aashan waxa uu mar kale yiri " Shirkaasi waa kulan aynu simanahay Soomaliya oo nahay laba dawladood oo siman oo danahooda ka tashanaaya. waana gogol dhig wanaagsan oo dib inoogu celinaya in aynu ku kala baxno sifihii aynu lixdankii ku midowney taas oo Caalamkuna mar khaati uu inoo yahay oo inagu kaalmeynayo".
Wasiir Sacad waxa kale oo uu ka hadlay oo uu tilmaamay inay Somaliland buuxisay shuruudaha aqoonsiga, isagoo ka hadlay faa'iidooyinka dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland ugu jira aqoonsi ay beesha caalamka ka hesho.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1S1gC71
via IFTTT
No comments:
Post a Comment