Friday, January 22, 2016

C/weli Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho iyo warar sheegaya inay u imaanayaan sidii ay…

Madaxda maamulgoboleeyda dalka ka jira ayaa la sheegay inay saacadaha soo socda ay ku soo wajahanyihiin magaalada muqdisho oo lagu wado inuu ka dhaco shir kale oo looga hadlayo hanaanka loo soo dooranayo xildhibaanada ka mid noqonaya labada Aqal ee la qorsheeey inay yeelato dowladda soo socota ee la dhisayo dhamaadka sanadkan.
Kulanka oo lagu wado inuu todobaadkan gudihii ka furmo magaalada muqdisho ay daba jooga go'aan ay beesha caalamka kaga dalbatey madaxda Soomaalida iney go'aan kaga gaaraan mustaqbalka siyaasdeed ee Soomaaliya gaar ahaan qaabka loo soo xulanayo xildhibaanada Barlamanka aqalka hoose iyo sare ee dowladda soo socota.
Sida warku sheegayo wadahadalada madaxda soomaalida ayaa beesha caalamka rabtaa in go'aan rasmiya uu kasoo baxo inta aan la gaarin kulanka golaha amaanka qaramada midoobey isugu imaanyaan 28 January, 2016 kaas oo looga arrinsanyo arrimaha Soomaliya.
Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo Maanta muqdisho soo gaaraya inuu doonayo in inta aanu kulanka Muqdisho furmin uu codsan doono inuu kulan la yeesho ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya, kaas oo dhawaan dalka soo gaaray,halka warar kale sheegayaan in ergayga qaramada midoobay ee soomaaliya uu doonayo in inta aysan wadahadaladu furmin uu kulamo gooni gooni ah la yeesho madaxda maamulada dalka ka jira maadaama uu horey u soo arkay madaxda dowladda soomaaliya ugu sareysa,kuwaas oo kala ah madaxweyne Xasan Sheekh, Guddooye Jawaari iyo R'isul wasaare Cumar C/rashiid.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TeQIw8
via IFTTT

No comments:

Post a Comment