Madaxweynaha mamulka koonfur galbeed Somaliya Sharif xasan sheekh aadan oo shalay dib ugu laabtay magaalad baydhaba, kadib markii uu ka qeybgalay shirkii kismaayo ee fashilka ku dhamaaday ayaa sheegay in wax aaan aheyn nidaamka 4.5 aysan aqbaleynin in dadka soomaaliyeed wax loogu qeybiyo ila inta laga helayo nidaam caddaalad ah oo dalka ka hirgala.
shariif xasan oo garoonka diyaradaha baydhbo kula hadlay war baahinta, ayaa waxa Uu kawar bixyay shirka ka dhacay magaalada kismaayo ,wuxuuna sheegay in ilaa laga gaaro tirakob cadaalad ah oo la is tiriyo, dalkana dhamaantiis nabaddii iyo kala dambeyntii lagu soo celiyo wax lagu qeybsanayo nidaamka 4.5 oo soomaali ku kala badbaadey 16 sano la soo dhaafey, sidaas owgeed marnaba ma aqbalayno wakhtigani in deegaan wax lagu qeybsado.
dhinaca kale madaxweynaha K/galbeed ayaa shalay magaalada baydhabo kaga guddoomay safiirka imaaraadka Carabta gadiid ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday maamulka K/galbeed kaas oo isugu jiray noocyo kala duwan.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1QaIbaT
via IFTTT
No comments:
Post a Comment