Weerarkii habeen hore lagu qaaday Baararka Beach View iyo Liido Sea Food ee ku yaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ayaa dadkii ku dhitay waxaa kamid ahaa Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Maamulka Galmudug, Bille Maxamuud Diiriye oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa la xaqiijiyay in uu kamid noqday dadkii tirada badnaa ee ku dhintay Weerarkii Al-Shabaab habeen hore ku qaadeen xeebta Liido.
Madxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen guuleed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa si kulul u canbaareeyay weerarkii habeen hore ka dhacay Xeebta Liido, iyagoo xaqiijiyey in hal Xildhibaan oo ka tisran baarlamaanka Galmudug uu weerarkaasi ku geeriyooday waxayna tacsi u direen ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan xildhibaankaasi iyo dadkii kale ee ay eheladoodu ku dhinteen Weerarkii habeen hore ka dhacay xeebta Liido.
Weerarkii habeen hore lagu qaaday Baarar kuyaala xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhaw 30-qof ,waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan,kuwaas oo dhaawacyadooda la kala dhigay cusbitaalada Muqdisho.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1TeQDsC
via IFTTT
No comments:
Post a Comment