Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidankiisu ay sii joogidoonaan dalka Soomaaliya, waxaana sida la sheegay uu hadalkaasi uga jawaabayey kadib markii in badan oo shacabka Kenya ka mid ah iyo siyaasiyiinta mucaaradkuba ay dalbadeen in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya.
Qudbad si toos ay ay shacabka Kenya uga daawanayeen TV-ga isla markaana uu madaxweyne Kenyatta ka jeediyey munaasabad lagu xusayey askar ka badan 100 oo ay dhawaan Al-shabab ku laayeen Soomaaliya, ayuu ku sheegay inay go'aan ku gaareen inay ciidamadoodu kasii mid ahaadaan howlgalka Midowga Africa ee nabada loogu raadinayo Soomaaliya.
"Ma ahan waqtigii aan dhageysan laheyn codadka guuldarada, dagaal ayaanu qaadnay sababtoo danaheena ayaa ku jira, sababtoo ah waxaan rabnaa inaan soo celino nabadda Soomaaliya, waxaan kale oo aan dooneynaa inaan iska difaacno cadawga raba inuu na bur buriyo," ayuu yiri Kenyatta, kuwo baqaya ayaa leh ciidamadeena hala soo celiyo,anaguna waxaan leenahay ciidamadayadu way sii joogayaan soomaliya,mana carareyno,waayo haddii ay ciidamadeenu soo baxaan nagama harayaan kuwa cdowga ah oo halkan ayey inoogu imaanayaan ayuu mar kale yiri madaxweynaha Kenya.
Al-shabab ayaa weerar ay 15-ki bishaan ku qaaday xero ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcade oo u dhaw xadka Kenya, waxay ku dileen ciidamo badan oo Kenyan ah, iyagoo dhinaca kale sheegay in ay gacanta ku hayaan kuwo kale oo ay nolosha ku qabteen.
from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1OZmzM9
via IFTTT
No comments:
Post a Comment