Saturday, January 9, 2016

Cali Khaliif Galeyr: Somaliland uma ogolaaneyno inay doorashooyinkeedu ka dhacaan Sool, Sanaag iyo Cayn

Hogaamiyaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galleyr ayaa ka hadlay diiwaan gelinta gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, isagoo sheegay inaysan deegaanadaas diiwaan-gelin iyo doorasho toona ka dhici doonin, Prof. Galleyr ayaa xusay inaysan Somaliland u ogolaaneynin inay doorashadoodu ka dhacdo dhulka Khaatumo ay maamusho.
"Waar hooy doorashooyin Somaliland leedahay oo Khaatumo iyo Maakhir ka dhacayaa ma jirayaan, waa riyo, doorashooyin iyo waxaan ay sheegayaan awalba kama dhici jirin haddana dhulkooda iyo dadkooda haku eekaadeen, waxaanu leenahay war hooy dhiig dambe oo daata iyo colaad hor leh iyo dab horleh oo la oogo looma baahna, Somaliland madaxdooda armay fiicantahay wakhtigan la joogo ee 2016 in ay arrimahaa ka baxaan, uma ogolaanayno doorashooyin inay ka dhacaan dhulkaa Sool, Sanaag iyo Cayn" ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.
Sidoo kale Cali Khaliif waxa uu ka hadlay socdaalkii uu guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali ku maray qaar ka mid ah gobolada Bariga Somaliland gaar ahaan gobolka Sool, isagoo sheegay in Faysal Cali Waraabe uu yiri yey baa i heshay oo si fiican layma soo dhaweyn "Waan maqlayay in Faysal Cali Waraabe Laascaanood yimid, waan maqlayay inuu Taleex maray, Ceerigaabana aaday, waan maqlayay meel uu leeyahay laygama soo dhaweyn oo yey baa i heshay waan maqlayey, waar hooy yeydaas waa leyskaga dari doonnaa" ayuu hadalkiisa ku yiri Cali Khaliif.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1PljDcn
via IFTTT

No comments:

Post a Comment