Wednesday, January 13, 2016

Tahriibayaal Soomaali oo ku dhintay xeebaha Talyaaniga kadib markii laga tuuray doontii ay la socdeen

Inta la ogyahay 7 ruux oo Tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku dhintay xeebaha dalka Talyaaniga markii kooxaha dadka tahriibiya ay ka tuureen Doon ay saarnaayeen,waxaana la,la yahay kuwo kale, todobada qof ayaa ka mid ahaa in ka badan 40 qof oo tahriibyaaal ah, oo ku sii jeeday dalka Gariiga, sida lagu qoray wargeyska Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.
Meydka haweneey ka mid ahayd 7 qof ee laga tuuray doonta ayaa laga helay xeebta Puglia's Salento ee koonfurta dalka Talyaaniga sidaana waxaa sheegay dadka deegaanka, ragga dadka tahriibaya ayaa markii dambe isaga tagay doonta, sidaana waxaa sheegay qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday dhacdadaas.
Dad lagu qiyaasay 320,000 Tahriibayaasha doomaha soo raaca ayuu aqbalay Talyaanigu inay galaan dalkiisa tan iyo sanadkii 2014,kuwaas oo 99% uga sii gudba dalalka kale ee yurub.
Dhinaca kale In ka badan hal Milyan oo Tahriibayaal ah ayaa gaaray wadamada Yurub sanadkii 2015-kii kuwaasoo badankoodu ahaa qaxooti ka soo cararay dagaalada iyo xasilooni darrada ka jirta wadamada Syria Afghanistan, Ciraaq, sidaana waxaa laga soo xigtay UNHCR.



from NEWS AND ENTERTAINMENT http://ift.tt/1ROtFrg
via IFTTT

No comments:

Post a Comment